1383 Views

Jariiradda Kooxda Liverpool oo ka hadashay wadahadalada heshiis kordhinta Mohamed Salah

Jariiradda Kooxda Liverpool oo ka hadashay wadahadalada  heshiis kordhinta Mohamed Salah
____________________________________________________________________________

isniin: September 6, 2021

Jariiradda Liverpool Echo ayaa warbixin ka qortay halka uu marayo haatan wadahadalkii heshiis kordhinta Mohamed Salah ee Kooxda kubadda cagta Liverpool.

Mohamed Salah ayaa wadahadallo horumarsan oo heshiis kordhin ah la wada Kooxdiisa Liverpool, waxaana wadahadalladu ay yihiin kuwo iminka socda sidaas waxaa warinaysa Jariiradda Liverpool Echo.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayaa in Salah uu weydiistay mushahar dhan 500 kun oo gini todobaadkii Kooxda Reds, laakiin Jariiradda ayaa sheegaysa in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan Weeraryahankuna uu ogolaan doono inuu mushaharka u kordhiyo Kooxdiisa Liverpool.

Jordan Henderson, Fabinho, Alisson Becker, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Andy Robertson iyo Harvey Elliott ayaa dhammaantood kordhiyey dhowaan heshiiska ay ku sii joogayaan garoonka Anfield, Mohamed Salah ayaana waddadaas raaci kara.

Xiddiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira heerka kooxeed xilli ciyaareedkan, isagoo labo jeer shabaqa soo taabtay saddex kulan oo uu u saftay Liverpool, waxaana u sii dheer inuu caawiye ka ahaa labo gool oo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post