465 Views

Laba Xildhibaan oo xalay lagu doortay magaalada Kismaayo

Laba Xildhibaan oo xalay lagu doortay magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Magaalada Kismaayo waxaa xalay ka dhacday Doorashada laba kursi oo kamid Golaha Shacabka, kuwaasi oo deegaan Doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kursiga koobaad oo tirsigiisu yahah HOP-029 waxaa ku guuleystay Axmed Maxamuud Jamac, ka dib markii uu tanaasulay Cabdqani Cali Ciise oo ahaa musharaxii la tartamayay. Kursigaan waxaa shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay  Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan.

Kursiga Labaadna oo tirsigiisu yahay
HOP-124 waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdullaahi Mukhtar Maxamed. Kursigaan hore ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere).

Maalmaha soo socda kuraas kale ayaa lagu wadaa in lagu doorto magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen Guddiga Maamulka Doorashada Jubbaland.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post