1032 Views

Jubbaland oo sheegtay inay si deg deg ah u qabaneyso doorashada Aqalka Sare

____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada aqalka sare Baarlamaaanla Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay qabashada doorashada Aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay diyaarisay halkii lagu qaban lahaa doorashada Aqalka Sare, isla markaana ay diyar u yihiin inay si deg deg ah ama maalmaha soo socda bilaabato doorashada.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada aqalka sare waxaa uu sheugu baaqay dhamaan daneeyayaasha Soomaaliya, AMISOM & Shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka siiyan sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Aqalka Sare.
Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada aqalka sare Baarlamahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Beri ay ku began tahay waqtigii loo qorsheeyay inay bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post