744 Views

. Wasaaradda Caafimaadka oo shegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay Cudurka laga helay dad gaaraya 198 qof

. Wasaaradda Caafimaadka oo shegtay  in 24-kii saac ee la soo dhaafay Cudurka laga helay dad gaaraya  198 qof
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusoo laba kacleeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saaray Wasaaradda Caafimaada Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 823 qof, isla markaana laga helay 198 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa 190 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga diiwaan-geliyay 1 Ruux, Hirshabeelle laga helay laba qof, Jubbaland 3 qof iyo Koonfur Galbeed 2 qof ah, waxaana dadkaas 118 kamid ah ay yihiin Rag, halka 80 qofna waa Durmar.

Sioo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa tilmaamtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay ka bogsadeen 3 qof, ayna u dhinteen 7, waxaana tirada dhimasha guud ahaan dalka gaartay 215,.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 6,444 qof, halka 3,781 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafida Cudurka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post