780 Views

Mareykanka oo ka digey in Kooxda Daacish ay weerar ka geysan karaan magaalada Kabul

Mareykanka oo ka digey in Kooxda  Daacish ay weerar ka geysan karaan magaalada  Kabul
____________________________________________________________________________


Axad : August 22, 2021

Mareykanka ayaa ugga digey muwaadiniintiisa iney ka fogaadan garoonka diyaaradaha ee Kabul, maadaama ay jiraan dareen la xiriira iney weerar geysan karaan kooxda Daacish, garabkooda dalka Afghanistan.

Digniin amni ayay u soo gudbiyeen sabtidii Mareykanka muwaadiniintooda, taasoo lagaga dalbanayo iney ka fogaan khatar amni daro ee ku iman karta baraha laga soo galo garoonka Kabul.Waxaa intaa lagu darey warka digniinta, in shaqsiyaadka dowladda Mareykanka wakiilkooda uu u fasaxo socdaalka, kaliya iney dhoofi karayaan.

Saraakiil difaaca ka socota oo Mareykan ah, ayaa iska ku hayey isbadalada dhacayey, iyagoo isku dayaya iney baadi goobaan wadiiqooyin kale oo dadka dalkaasi loogga saari karayo.

Kama aaney bixin faah faahino dheeraad ah halista weerar ee dhabta ah ee ka imaneysa kooxda Daacish, iyadoo aaney kooxda si guud u sheegin iney weeraro ka geysaneyso magaalada caasimadda Kabul.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post