1413 Views

Goordhoweyd oo la shaaciyay natiijadii ugu horeysay ee doorashada Goleyaasha degaanka Somaliland.

Goordhoweyd oo la shaaciyay natiijadii ugu horeysay ee doorashada Goleyaasha degaanka Somaliland.
____________________________________________________________________________

June 2 2021

Wararka ka imaanaya Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in goordhoweyd lagu dhawaaqay natiijadii ugu horeysay ee doorashada goleyaasha degaanka Somaliland.

War kooban ay soo saareen Komishanka doorashooyinak Somaliland ayaa si horudhac ah u shaaciyey natiijada ilaa shan kamid ah degmooyinka Somaliland.

Sidoo kale Doorashada Somaliland oo  dhacday 31-kii May ayaa iskugu jirtay doorashada mudaneyaasha golaha wakiilada iyo deegaanka ee maamulkaas, wuxuuna si horudhac ah u shaaciyey komishanka ilaa hadda mida goleyaasha deegaanka..

Hoos ka eeg natiijada iyo sida ay u kala heleen xisbiyadu.

1. Sallaxley, Maroodi-jeex

  • Kulmiye 4
  • Ucid 3
  • Waddani 2

2. Gar’adag.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 3
  • Ucid 2

3.Saylac-Awdal.

  • Kulmiye 4
  • Waddani 4
  • Ucid 4

4. Xuddun-Sool

  • Kulmiye 7
  • Waddani 2

5. Lughaye-Awdal.

  • Kulmiye 5
  • Waddani 2

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post