390 Views

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilay Taliye Kuxigeenka Nisa Ee Galmudug

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dilay Taliye Kuxigeenka Nisa Ee Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Ciidamadda Dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa soo qabtay soona bandhigay Axmed Dhagadheere oo labo Maalin kahor Caabudwaaq ku dilay Allah Unaxariste Farax cumar Geelle iyo walashiis Xaawo cumar Geele.

Guddoomiyaha degmada Caabud waaq ayaa KNN u sheegay in saakay gacanta lagu soo dhigay ninkii ka dambeeyay dilkii loo geystay taliye ku xigeenka NISA ee maamulka Galmudug

Waxa uu intaa hadalkiisa ku daray in kahor soo qabashada ninkan uu isku dayey inuu ciidamadda la dagaalamo balse gacanta lagu dhigay markii ay dhamaatay rasaastii uu watay.

Soo qabashada ninkaan ayaa timid kadib markii shalay maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa soo saartay warqad soo qabasho eedaysane Axmed Cabdi aadan (Axmed Dhagadheere) oo ku eedaysan dilka marxuun Gashanle Farxaan Cumar Geele oo ahaa Taliye Kuxigeenka Nisa Ee Galmudug, kaas oo uu dilay 17ki bishaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post