1251 Views

Gabar 22 sano jir aheyd oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faah faahin laga helay dilkeeda

Gabar 22 sano jir aheyd oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faah faahin laga helay dilkeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil xalay fiidkii Waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar 22 sano jir aheyd, xilli ayo ka soo baxday Masaajid ay ku soo dukatay Sallaadii Taraawiixda.

Dilkan waxaa la sheegay inay geysteen Koox burcad ah oo aan wali la aqoonsan, iyagoo Mindi Dhuunta uga muday gabadhan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray), lamana garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkeeda.

Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa xaafada Garsoor oo ah halka dilka uu ka dhacay ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ula cararay dhaawaca gabadha, balse Saraakiisha Caafimaadka ayaa u sheegay inay meyd tahay qofka ay Isbitaalka geeyeen.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland, ayaa durba bilaabay howlgallo baaritaano ah, iyagoo ku dhowaad 10 dhalinyaro ah u soo xiray falkan, kuwaasoo Su’aalo lagu weydiinayo xarumaha barista Ciidamada.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo waxaa durba soo wajahday cabsi hor leh, waxaana maanta Gobolka Mudug laga hadal hayaa beegsiga sida gaarka ah gabdhaha loogu hayo, maadaama 24-kii February magaalada Gaalkacyo Kufsi uu dil xigay loogu geystay gabar 12 Sano jir eheyd, taasoo lagu magacaabi jiray Caasha Ilyaas Aadan, iyadoo ragga dilkeeda ka dambeeyay oo Saddex ahaa ay yihiin xukun sugayaal maadaama dil toogasho ah lagu riday.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Amniga magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhacaan dilal qorsheysan, qaraxyo iyo is dilka qabaa’ilka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment