1212 Views

Adam Barre oo Haweenka Somalida Kenya ugu baaqay ay ogolaadaan in lala guursado

Adam Barre oo Haweenka Somalida Kenya ugu baaqay ay ogolaadaan in lala guursado
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa Haweenka Soomaalida ah ee Kenya ugu baaqay in ay Raggooda u oggolaadaan in ay la guursadaan ilaa saddex xaas oo kale.

Aadan Barre ayaa ka qeybqaadanayay ololaha wacyi gelinta ee la xiriira tirakoobka dadka Kenya ee la qabanayo dhamaadka sanadka sooo socda ee 2019ka.

Mr Ducaale ayaa sheegay in Dadka kale ee Kenyaanka ah ay aaminsanyihiin in ay ka badanyihiin Soomaalida,taasna loo baahanyahay in meesha laga saaro.

Dadka qurbe joogta ah, Soomaalida Kenya ee xoola dhaqashada u soo galay gudaha Soomaaliya iyo dadka kale ee Miyiga jira ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan tirakoobka iskana bareejeeyaan qabiillada kale ee Kenya.

Haweenka ayuu ka dalbaday in ay oggolaadaan in lala guursado saddex xaas oo kale si sanadka dambe dhamaadkiisa Nin kasta 4 Cunug ugu kordhiyo qoyskiisa si tirada Soomaalida u badato.

Dhamaadka sanadka soo socda aya Kenya waxaa ka dhaceysa tirakoobka dadweynaha Kenya oo qowmiyad kasta la tirakoobo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment