750 Views

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolla Baay, iyada oo si weyn hallaasi loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Doad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada Baydhabo in uu xariga ka jaro Xabsiga weyn ee Dhawaan laga dhisay Magaalada Baydhabo iyo xsrumo kale oo ku yaal halkaaa.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post