384 Views

Caalamka oo wajahaya xasarad kalkaaliyayaasha caafimaadka ah aduunka

Caalamka oo wajahaya xasarad kalkaaliyayaasha caafimaadka ah aduunka
____________________________________________________________________________

Isniin: January 24, 2022

Warbixin cusub ayaa ka digaysa in caalamka uu wajahayo xasarad dhanka kalkaaliyayaasha caalamka ah, taasoo uga sii dari karta hannaanka caafimaadka adduunka ee uu saameynta ba’an ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Warbixinta oo ay wadajir u soo saareen Golaha Caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha, iyo Xarunta Caalamiga ah ee Socdaalka Kalkaaliyayaasha ayaa lagu sheegay in xasarada ay soo billaabatay ka hor inta uusan dillaacin xanuunka, balse uu uga sii daray.

Waxa ay labada urur ku baaqeen in si degdeg ah wax looga qabto arrimaha ay kamidka yihiin dhaqaalo yarida haysata hawlwadeennadaas caafimaadka, in tiradooda la badiyo iyo in lala tacaalo saacadaha badan ee ay shaqeeyaan.

Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ayaa culays xooggan saaray guud ahaan hannaanka caafimaadka ee adduunka oo dhan.

Kalkaaliyayaasha oo ah kuwa saacadaha ugu badan iyo kharash yar uga hawlgala xarumaha caafimaadka, ayaa waxa ay ilaa haatan yihiin difaaca koobaad ee u taagan la tacaalidda cudurka.

Qaar badan oo kamid ah ayaa markii uu billaabanayay xanuunka u bareeray khatartiisa, oo xitaa waxa ay shaqeyn jireen iyaga oo aan haysan qalabka difaaca jirka.

Dalalka soo koranaya, inta badan kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaan weli helin tallaalka Covid-19.

Golaha caalamiga ah ee kalkaaliyayaasha ayaa sheegay in culays badan ay wajaheen hawlwadeennadaas caafimaadka.

Culaysyadaas isbiirsaday ayaa waxa ay dhaliyeen in qaar badan oo kamid ah kalkaaliyayaasha ay u wareegaan xirfado kale.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay xitaa waddamada horumaray. Tusaale ahaan dalka Switzerland, boqolkiiba 10 kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa shaqada ka fariistay tan iyo markii uu bilowday xanuunka Covid-19.

Warbixinta maanta soo baxday ayaa lagu sheegay in caalamka uu u baahan yahay 13 milyan oo kalkaaliyayaal cusub ah tobanka sano ee soo socda.

Qaabka keliya ee lagu baajin karo in xasaradan ay sii xumaato ayay warbixinta sheegtay inay tahay dejinta qorshe toban sano ah oo lagu wanaajinayo tababarka iyo mushaarka hawlwadeennadaas caafimaadka.

Warbixinta ayaa sidoo kale ka digtay in dalalka horumaray ay soo qaataan kalkaaliyayaasha ku nool dalalka saboolka ah, taa bedalkeena ay mudan yihiin in hawlwadeennadaas lagu daryeelo dalalkooda.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post