804 Views

Jubbaland oo sheegtay inay qabatay dad falal Amni darro ka geystay Kismaayo

Jubbaland oo sheegtay inay qabatay dad falal Amni darro ka geystay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 11 2021Xili maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo saameyn ku yeeshay bulshada magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay maamulka dagmada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay inay socdaan howlgallo ammaanka lagu xaqiininayo iyo baaritaanno la xariira kooxaha geysanaya falalka amni darrada ah ee ka dhacaya Magaalada kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay in Jubbaland ay ku dadaaleyso sugida amniga ee Magaalada, isla markaana kaliya u baahan yihiin wadashaqeynta Bulshada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay ku raad joogaan dadka dilalka falalka amnidarro ka geysta Magaalada, sidoo kalena qaarkood ay gacanta ku dhigeen dhawaana ay Maxkamad horkeeni doonaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda gaar ahaan DANAB ee Mareykanka uu tababaray, kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM, hayeeshee ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post