3351 Views

Ciidamada Amniga oo toogtay nin hubeysan ka dib marki uu dilay qof shacab ah

Ciidamada Amniga oo toogtay nin hubeysan ka dib marki uu dilay qof shacab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 18, 2016: Ciidamada Nabadsugida ee degmada Huriwaa ayaa xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysan bastoolad iyo bam gacmeed, kadib markii qof shacab ah uu dilay, isla markaana bambooyin ku tuuray ciidamadi meesha ku sugnaa.

C/fataax Cumar Xalane afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la toogtay uu ciidamada amniga iska caabin kala hor-yimid, kadibna la toogtay uuna dhintay.

“Xalay ciidamada Amnigu waxay daba-joogeen nin hubeysan oo qof shacab ah ku dilay degmada Huriwaa, markii ciidamada damceen inay soo qabtaan, ayuu iska caabin kala hor-tagay, kadibna ciidanka ayaa toogtay”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay muddo ceyrsanayeen ninkan, ugu dambeyna la toogtay.

Maalmihi dambe ayaa Ciidamada Amniga xoojiyeen howl galada lagu sugayay amniga oo ay ka wadeen magaalada Muqdisho, waxaana dhowaaahan la qabtay baabuuro waxyaabaha qarxa lagu diyaariyay oo weeraro lagaga geysan rabay meelo ka mid ah magaalada Moqdiaho.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment