336 Views

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Shirka Golaha Wasiiradda XFS oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada ay heysteen Ururka Al-shabaab, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada Al-shabaab looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Al-shabaab, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo Al-shabaab isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post