543 Views

Mareykanka oo sheegay inuu “ka walaacsan yahay dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan

Mareykanka oo  sheegay inuu “ka walaacsan yahay dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Mareykanka ayaa sheegay inuu “ka walaacsan yahay dhismaha dowladda cusub ee Afganistaan oo la tilmaamay in ay ku jiraan rag lala xiriirinaayo in ay ka qeyb-qaateen dagaladii looga horjeeday ciidamadii Mareykanka ee joogay dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay inay qiimeyneyso ku dhawaaqista Taalibaan ee dhismaha dowladdaasi oo la tilmaamay in aysan ku jirin wax dumar ah.

Golaha wasiirada ku meel gaarka ah waxaa hogaaminaya Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ku jira liiska madoow ee Qaramada Midoobay iyo ninka loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sirajuddin Haqqani, oo ay baadi –goobayaan Hoggaanka Baarista FBI ee Mareykanka.

Dhismaha dowlada cusub oo ka kooban 33 xubnood,waxaa ka mid ah Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiil uu dhalay Mullah Omar hoggaamiyihii hore ee Taalibaan,waxaana loo doortay Wasiirka Difaaca,halka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay Hedayatullah Badri .

Amir Khan Muttaqi, oo Taliban u qaabilsanaa wadahadaladii waanwaanta ee ka socday Doha,ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afganistaam.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post