1056 Views

Gabar maxkamad u dacwootay si loogu fasaxo inay Xijaab ku dhigato Fasalka

____________________________________________________________________________

Talaado: February 1, 2022

Mid kamid ah gabdhaha wax kabarta jaamacad ku taala dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Udupi, ayaa maxkamad dacwad u gudbisay si loogu oggolaado xirashada xijaabka marka ay fasalka ku jirto.

Codsiga qoraalka dacwada ah waxaa gudbisay Resham Faaruuq, oo uu qareen u yahay walaalkeed Mubaarak Faaruuq.

Waxay ku doodayaan in xaq ay u leedahay xirashada xijaabka ayna tahay xuquuq uu siinayo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Udupi iyo guddiga jaamacadda K Raghupati Bhat, oo la kulmay ardaydii jaamacadda oo ka mudaaharaadayay in loo diiday xirashada xijaabka, ayaa si cad u sheegay in ardayda xijaaban aan loo oggolaan doonin in ay fasalka xaadiraan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post