2283 Views

Canada oo hakisay dib u celinta Muwaaddin Somali ah

Canada oo hakisay dib u celinta Muwaaddin Somali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 5, 2018 – Dowladda Canada ayaa muddo sanad ah  hakisay dib u celinta Muwaaddin Soomaali ah oo dalkaas ku noolaa tan iyo 2013kii.

Yuusuf Maaddeey Maxamed ayaa diyaaradda ku celin lahayd Kenya ku qornaa shalay gelinkii dambe hayeeshee waxaa lagu wargeliyay in dib loo dhigay safarkiisa ilaa sanadka dambe islamarkaana go’aan dambe laga soo saarayo.

Isaga oo la hadlayay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay go’aanka dowladda Canada.

Waxaa uu xusay in arrintaas ay gacan weyn ka geysteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo uu sheegay in codsi ay geliyeen Internetka kaas oo lagu doonayay in ay saxiixaan 200 Qof hayeeshee 1,000 Qof kor u dhaafay sidaasna lagu baajiyay safarkiisa.

Maaddeey ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku heysataa in uu Canada ku galay Baasaboor kenyaan ah oo uu iibsaday Sanadkii 1994kii,isaga oo ka baxayay Dhadhaab.

Waxaa uu sheegay in inta badan dadka Soomaalida ah ee Canada ay caddeeyeen in uu Soomaali yahay sidoo kalena dadkii ay wada degganaan jireen Baardheere oo uu markii hore ka baxay ay qireen.

Waxa kaliya ee hadda hor taagan ayaa ah in dowladda lagu qanciyo Soomaalinimadiisa maaddaama uu Baasaboor Kenyaan ah ku galay Dalka Canada 2013.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment