1026 Views

-Hoggaamiyaha Ahlusunna ” Waa inaan markale hubkeena lasoo baxnaa “

-Hoggaamiyaha Ahlusunna ” Waa inaan markale hubkeena lasoo baxnaa “
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in waxa haatan ka socda deegaannada Galmudug aysan aheyn wax loo dul qaadan karo.

 

Isaga oo qaar kamid ah taageerayaasha Hoggaanka Ahlusunna kula hadlayay Dhuusmareeb ayuu soo hadal qaaday xayiraad muddo kooban la saarey Qaar kamid ah Odayaal iyo Waxgarad kasoo baxey Guriceel kuna wajahnaa Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in hadii ay hub wadan lahaayeen aan la celiyeen.

 

“Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno,ruux muslim ah ku dhibi meyno,dowlad ku dhibi meyno laakin Ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna.

 

Hadalka Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaaf xoogan oo kala dhaxeeyo Dowladda federaalka,kaas oo ka dhashay doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment