1029 Views

Taliska Booliska Jowhar oo soo bandhigay Maxaabiis iyo hub ay sheegeen in lagu qabtay dagaalkii shalay

Taliska Booliska  Jowhar oo  soo bandhigay Maxaabiis iyo hub ay sheegeen in lagu qabtay dagaalkii shalay
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Taliska Ciidmada Booliska Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta soo bandhigay Maxaabiis iyo hub ay sheegeen in lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Maxaabiista la soo bandhigay ayaa gaaraya ilaa lix oo 5 kamid ah ay Booliska Hir-Shabeelle horay u xireen, kuwaas oo muddo todobaad ah ku jira Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar.

Taliyaha Booliska Magalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in lixda Maxaabiista ah 5 kamid ah oo ay horay u xireen kana tirsan yihiin maleeshiyaad dhib ku haayay Shacabka Magaalada halka midka lixaad isaga oo dhaawac ah ay dagaalkii shalay ku qabteen.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in raggii shalay ay kula dagaalameen Jowhar ay ahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo dadka Shacabka ah dhac iyo dil ugu geysan jiray Galbeed Magaalada, isla markaana lidi ay ku ahaayeen Amniga Magaalada Jowhar.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Ciidamada Haramcad oo dowladda Soomaaliya geeysay Magaalada Jowhar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post