1368 Views

Kulan u socday shekh shaakir iyo wax garadka Beesha Cayr oo galabta gabaldhicii lagu kala dareeray

Kulan u socday shekh shaakir iyo wax garadka Beesha Cayr oo galabta gabaldhicii lagu kala dareeray
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 14, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in galabta gabaldhicii lagu kala dareeray shir uga socday magaalada Guriceel wax garadka Beesha cayr oo ay la yeesheen Hogaanka Ahlusuna sheikh shaakir oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Guriceel.

Odayaashii u tagay shaakir ayaa sheegay in uu ka biyo diiday in uu ka baxo magaalada si aan xabad uga dhicin. Oo aysan iskaga hor imaan Ciidamada galmudug kuwa Dowlada ee kaabiga ku haya Guriceel iyo maleeshiyaadka ahlusuna.

Sidoo kale wax garadkii halkaas ka hadlay ayaa ku eedeeyay shaakir in uu sheegay in uusan meel uga socon Guriceel, waxayna sheegeen in taasi badalkeeda uu yahay maatada Guriceel joogta ayaan ku kor dagaalama, waxayna arintaas ku tilmaameen wax aan la aqbali karin.

Dhinaca kale wax garadka Beesha Cayr ayaa sheegay in shekh shaakir ay uga soo tageen in uu ka biyo diiday, go’aankii ay wateen waxayna ugu baaqeen in uu yeelo taladooda, ayaga oo ka balan qaaday in aan la soo weerari doonin hadii uu ka baxo Guriceel, ayaga oo u balan qaaday in Ciidamada kor fadhiya Guriceel aysan Weerar ku soo qaadaynin hadii uu ka baxo magaalada, oo Wada hadal lagu dhameeyo wax kasta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post