573 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo wada-hadallo la bilaabay mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo wada-hadallo la bilaabay mucaaradka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, kuwaas oo aad u dhaliilsan siyaasadda Villa Soomaaliya.

Xalay Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, iyaga oo ka wada hadlay xaalada dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha ay iska wareysteen arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan xalay dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf Cusub oo salka ku haayo awoodahabdalka uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post