843 Views

Shiinaha oo ka horyimid xiriirka Cusub ay ku dhawaaqeen Taiwan iyo Somaliland

Shiinaha oo ka horyimid xiriirka Cusub ay ku dhawaaqeen Taiwan iyo Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 2, 2020-Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo aan weli labadooda dalal loo aqoonsan.

Taiwan waa qeyb kamid ah wadanka Shiinaha balse raadineysa inay ka go’do dalkaas,halka Somaliland ay kamid tahay Soomaaliya,isla markaana muddo 30 sano ah ay raadinayaan inay helaan aqoonsi dowlad gaar ah oo ka madax banaan Soomaaliya,hayeeshee aysan weli helin.

War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

Soomaaliland oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa in ka badan 30 Sano waxaa ay shaacineysay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow weli aysan helin aqoonsi,waxaana xiriiro kala duwan ay la leedahay qaar kamid ah dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa deriska.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post