789 Views

waxaa goor dhow Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis

waxaa goor dhow  Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee  Ajakis
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho goor dhawayd ispitaal ku yaala ku geeriyooday  Allaha u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey  Magaalada Muqdisho.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu la shaqeynayey.

“Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Sidoo kale  (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post