2553 Views

Ciidamada Maamulka Puntland Oo Heegan Buuxa La Geliyay

Ciidamada Maamulka Puntland Oo Heegan Buuxa  La Geliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada kala duwan ee Maamul goboleedka Puntland kaidb markii ay saraakiishu sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab kana wadaan dhanka Buuraha Galgala.

Dhanka kalena, Ciidanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay howlgalo xooggan ka wadaan bartamaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo kantaroolada, kadib markii ay soo bateen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya deegaanada Puntland iyagoo ka shaki qaba in qaraxyo la soo saaro.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidanka  ee ku sugan buuraha Galgala ay heleen xogo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Al-Shabaab

Tan iyo markii deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ay weerar khasaaro dhaliyay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada maamulka puntland ay wadeen howlgallo iyo waliba feejignaan dheeri ah iyagoo ka cabsiqaba in weeraro kale lagu soo qaado.

 

 

 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment