1533 Views

Wasiir Qarjab” Wasiiradda Puntland Xamar ma tagi karaan”

Wasiir Qarjab” Wasiiradda Puntland Xamar ma tagi karaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, 2018–Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii loo joojiyay kulan xalay Magaalada Garowe uu ku qabsan lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda.

Qarjab ayaa sheegay in Wasiiradda Puntland aysan tagi karin Magaalada Muqdisho,islamarkaana aysan la shiri karin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay bishii September ee sanadkan, xilligaasi oo mamul goboleedyada ay sheegeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment