1563 Views

Wafdi ka socda Q.midoobay oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Q.midoobay oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

  

Khamiis: August 5, 2021

  Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaas ay gaareen wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo ay  hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ujeedka wafdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post