456 Views

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Saraakiil sare oo ka socota Howlgalka ATMIS

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Saraakiil sare oo ka socota Howlgalka ATMIS
____________________________________________________________________________

Axad: July 17, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan iyo saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS.

Masuuliyiinta Midowga Afrika ayaa xog ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlgalka ciidamada ATMIS iyo wakhtiga kala guurka oo loo dejiyay in ay ciidanka Soomaaliyeed guud ahaan la wareegaan amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto xasilooni siyaasadeed iyo mid amniba, isla markaana ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siineyso amniga iyo sidii waddanka nabad looga dhigi lahaa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post