879 Views

Kulan loogu magac daray aaya ka tashi iyo sagootinta Wasiirka wasaarada arimaha gudaha oo ka dhacay B/weyne

Kulan loogu magac daray  aaya ka tashi  iyo sagootinta Wasiirka wasaarada arimaha gudaha oo ka dhacay B/weyne
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Kulan kan oo ahaa mid aaya ka tashi ah iyo sagootinta Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtara Xuseen Afrax waxa ka qeybgaly waxgarad, aqoon yahano, odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle, maamulka gobalka iyo Wasiir Mukhtaar.

Ugu horeyn kulanka waxa ka hadlay qaar kamid ah odayaashii iyo waxgaradkii ka qeyb galay kuwaas oo madasha kasoo jediyay hadala ku saabsan aaya ka tashiga beesha madaama dhawaan uu geeriyooday allaaha u naxariiste hogaankii dhaqanka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isla markaana kaalintii uu wasiirku ka qaatay tacsida kaga mahad celiyay, iyagoo u rajeyay safar kheyr lej.

Intaasi kadib odayaashii iyo waxgaradkii beesha ee kulanka ayaa isla qaatay in arimaha dhaqanka beesha uu sii hogaamiyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif madaama uu dhawaan geeriyooday hogaankii dhaqanka ee beesha.

Ugu danbeyn waxa kulanka ka hadlay wasiirka wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtaar Xusen Afrax oo soo qaban qaabiyay kulanka, waxana uu shaaca ka qaaday inuu safar ugu amba bixi doono magaalada muqdisho, isagoo odayaasha kula dardaarmay inay ka shaqeyaan mid nimada iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post