837 Views

Mareykanka oo ka hadlay khasaaro Ciidamooda kasoo gaaray weerarkii Jannaay Cabdalla

Mareykanka oo ka hadlay khasaaro Ciidamooda kasoo gaaray weerarkii Jannaay Cabdalla
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa waxaa ay ka hadleen weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Xero ay Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo kuwa Mareykan ah ku leeyihiin degaanka Jannaay Cabdalla, kaas oo uu ku waxyeeloobay askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka.

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africom Col Chris Karns ayaa sheegay in mid kamid ah Askarta Ciidamada Mareykanka uu ku dhaawacmay weerarka ismiidaaminta ahaa oo ay Maanta Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Jannaay Cabdalla, xilli uu ku guda jiray howlo la talin ah & caawin ah.

Waxaa uu sheegay in baaritaan lagu sameeyay askariga uga dhaawacmay Mareykanka weerarkaas ay tahay xaaladiisa mid wanaagsan, isla markaana aysan jirin xaalada caafimaad oo halis ah.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarka qaraxa ahaa oo ay ku qaadeen degaanka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60km dhanka Galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkaas ku dileen 4 Sarkaal oo Mareykan ah oo 16 kamid ah Ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta loo yaqaano, hayeeshee aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post