843 Views

Roob xooggan oo xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Roob xooggan oo  xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Roob xooggan oo khasaare gaystay ayaa xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Khasaaraha Roobku gaystay ayaa lagu sheegay mid hantiyeed, kadib markii uu dumiyay gurya kala duwan oo ku yaal tuulada Xiriiro, gaar ahaanna ka samaysnaa jiingado iyo cariishyo.

Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Roobku burburiyay gooba ganacsi oo ku yaalla tuuladaas Xiriiro, balse xog dhammaystiran lagama helin khasaaraha dhabta ah.

Roobabka dayrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo uu meelaha qaarkood ka gaystay khasaare kooban.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post