651 Views

Madaxwayne xilka haysay muddo 85 daqiiqo ah

Madaxwayne xilka haysay muddo 85 daqiiqo ah
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa noqotay haweeneydii ugu horeeysay oo muddo kooban madaxwayne ka noqota dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii madaxwayne loo diray baaritan cafimaad oo si joogta ah uu u maro.

Ms Harris, oo 57 jir ah, ayaa awoodda dalkasi haysay 85 daqiiqo, xilligaasi oo Mr Biden ku guda jiray baaritaan caafimaad.

Bayaan uu soo saaray dhakhtarka Mr Biden ka dib baaritaanka ayuu ku sheegay in uu madaxwaynuhu caafimaad qabo islamarkana uu waajibaadkiisa gudan karo.

Baaritaankan caafimaad ayaa ku soo beegmaya xilli madaxwaynaha uu u dabaaldagayo sanadguuradii 79 ee dhalashadiisa.

Ms Harris ayaa shaqadeeda gudanaysay iyada oo ku sugan xafiiskeeda ku yaalla Washinton, sida ay sheegeen saraakiisha .

Waa haweeneydii ugu horeysay oo madaxwayna ku xigeen ka noqotay dalka Mareykanka.

Afhayeenka aqalka cad Jen Psaki ayaa sheegtay awood wareejinta noocan oo kale ah ay tahay wax iska caadi ah islamarkana ay qeyb ka tahay geedi socod uu dhigayo dastuurka .

Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo dhoola cadeynaya markii uu ku laabtay Aqalka Cad. “Waxaan dareemayaa farxad,” ayuu yiri.

“Madaxweyne Biden waa nin caafimaad qaba, xoog leh, 78 jir ah, islamarkana awod u leh in uu guto waajibaadka madaxweynaha,” ayuu yiri Kevin O’Connor, oo ah dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha.

Mr Biden, oo ahaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee Mareykanka ee xilka qabta, ayaa baaristii caafimaad ee ugu dambeysay maray bishii December 2019.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post