891 Views

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal oo soo saaray jadwalka cusub ee doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal oo  soo saaray jadwalka cusub ee doorashada
____________________________________________________________________________

Jimco: july 16, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ayaa soo saaray jadwalka cusub ee doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu wado in ay ka dhacaan dowlad goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in xil iska saareen  hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalkan uu yahay kan ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post