309 Views

Madaxweynaha Turkiga oo doonaya inuu dhexdhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine

Madaxweynaha Turkiga oo doonaya inuu dhexdhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegay inuu soo bandhigay qorshe uu ku dhexdhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine gaarahaan muranka ka taagan warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine, taasoo ay ciidamada Ruushka ku sugan yihiin hadda.

Ankara ayaa sheegtay in Mr Erdogan uu dalabkan gudbiyay kadib markii taleefoon uu kula hadlay madaxweynaha Rushka Vladimir Putin.

Aqalka Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wadahadleen warshadda Zaporizhzhia, balse ma aysan sheegin wax dhexdhexaadin ah. Duqeymihii ugu dambeeyay ee aaggaas ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo musiibo nukliyeer ah.

Ukraine waxay ku eedaysay Ruushka argagixisinimo dhanka nukliyeerka ah. Kormeerayaal ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka, IAEA, ayaa booqday warshadda, waxayna damacsan yihiin inay joogteeyaan booqshadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post