1290 Views

Kenya Oo Ka Walaacsan Weeraro Kaga Yimaada Al-Shabaab

Kenya Oo Ka Walaacsan Weeraro Kaga Yimaada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Gaadiidkii Dadaweynaha ee ka imaan jirey Degmadda Mandera ayaa waxaa shalay laga xayiray inay u safraan magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska dalkaasi ka digeen cabsi la xiriirta weeraradda Alshabaab.

Taliyaha Bolis Gobaleedka Mandera, Jeremiah Ole Kasiom ayaa sheegay inay heleen war ku aadan inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Gaadiidka Dadweynaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hay’addaha Ammaanka u baahan yihiin waqti, si ay ay uga fal celiyaan, ka hor inta aan Gaadiidka xamuulka loo oggolaanin inay dib u bilaabaan hawlahooda.

Taliyaha Bolis Gobaleedka Mandera, Jeremiah Ole Kasiom waxa uu tilmaamay in Basaska ka imaanaya Nairobi iyo Wajeer ee tegaya Mandera ay ku sii nagaan doonaan Degmadda Ceel-waaq, ilaa ay xaalladda caadi ka noqonayso.

Hakadka ku yimid Basaska ka baxa Mandera ayaa la sheegay inay ka dambayso kadib, markii ay  Hay’adaha Ammaanka Kenya heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo ay ku sheegeen in ugu yaraan 40 Dagaalamayaal Alshabaab ka soo gudbeen xuduudka Somalia, isla markaana ay gudaha u galeen Deeganka Lafeey ee duleedka Mandera.

Isbuucii hore, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay dagaal la galeen Ciiddanka Kenya, iyadoo iska horimaadkaasi la sheegay in lagu dilay Askari ka tirsan Ciiddanka Kaydka ee Boliska Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment