573 Views

Xuutiyiinta oo Afduubtay markab laga leeyahay Imaaraatka Carabta

Xuutiyiinta oo Afduubtay markab laga leeyahay Imaaraatka Carabta
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

 Afhayeenka Isbaheysiga Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta maanta afduuubteen markab maraayay meel u dhaw xeebaha gobalka  Xudeyda ee dalka Yemen.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in markabku siday qalab loogu tala galay in la geeyo Isbitaal ku yaal jasiiradda Socotra si wax loogu qabto dadka deegaankaas ee baahida weyn u qaba adeegga Caafimaad.

Dhanka kale, Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegaty inay qabteen markab laga leeyahay Imaaraatka kaas oo si sharci darro ah kusoo galay dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka ay saarnaayeen saanad ciidan iyo qalab kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post