282 Views

Madaxweyne Lafta gareen oo markii ugu horeysay ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed

Madaxweyne Lafta gareen oo markii ugu horeysay ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 20, 2022

Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo waxaa xaley ka qabsoontay munaasabad loogu Dabaal Degayey 4-Sano Guuradii kaso Wareegatay Markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen loo Doortay Hogaaminta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo munaasabad khudbad ka jeediyey ayaa ka hadlay xaaladaha ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaanna jahwareerka siyaasadeed ee ka jira.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in wixii ku saabsan muddo xileedkiisa ama waqtiga doorashada ay tahay masuuliyad u taalla Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku raacsan yahay aragtida uu Baarlamaanku ka qabo aristaas maadaama ay golaha sharci dejinta yihiin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiinta ka horjeeda muddo kordhinta loo sameeyey ee ololaha ka dhex wada Dowlad goboleedkaas.

“Nin iyo qof xanaaqsan ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyadeena, nidaamkeena iyo dowladnimadeena midna wax kama bedeli karo” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post