2799 Views

Uganda oo soo dhaweeyey Milliteriga Maraykanka ee Soomaaliya u yimid la-dagaalanka Al-Shabaab

Uganda oo soo dhaweeyey Milliteriga Maraykanka ee Soomaaliya u yimid la-dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017- Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), Richard Karemire ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala, wuxuuna sheegay inay Maraykanka yihiin Isbahaysiga weyn ee kaalinta ka qaata Dagaalka lagu jiro Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in horey Amarka laga sugi jirey Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka (The Pentagon), balse haatan Taliyayaasha Milliteriga Maraykanka ee joogta Gobalka xor u yihiin inay qaadaan Hawlgallada, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Qof kasta oo u yimaada inuu dardar geliyo Dhismaha Awoodda Ciiddanka DFS iyo La-dagaalanka Alshabaab waa soo dhaweyn doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), Richard Karemire.

Isbuucii la soo dhaafay, Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ee Afrika, Charles Chuck Prichard ayaa sheegay inay Somalia u soo direen Tobaneeyo Ciiddamo, kuwaasi oo tababar iyo qalab siinaya Ciiddanka DFS iyo Nabad-ilaaliyaasha AMISOM, kana taageeri doona Xoojinta dhinaca Loojistikada ee Dagaalka Alshabaab.

Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee jooga Somalia waxaa la filayaa in la soo gebagebeeyo dabayaaqadda bisha September ee sannadkan.

Si kastba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Ciiddan Maraykan yimaadaan Somalia, tan iyo markii Ciiddanka Maraykanak laga daad-gureeyey Somalia sannadkii 1994-kii, iyadoo 18 Askari looga dilay Hawlgal aan guuleysanin oo ay sannadkii 1993-kii la galeen Maleeshiyaddii Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Caydiid.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment