1077 Views

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho Oo Banaanbaxay

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Muqdisho Oo Banaanbaxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 19 2019 —Saakay waxaa qeybo ka mid ah Magalada muqdisho banaanbax ka dhigay qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha,kuwaas oo ka cabanaya in lacago dheeraad ah lagu soo rogay taas oo aysan awoodin inay dhiibaan.

 

Gaadiidkaan dadweynaha ayaa ka dhex-Shaqeeya Isgoyska Sanca ilaa degmada Xamarweyne,waxaana qaarkood ay sheegeen in sarkaal ka tirsan Maamulka degmada Boondheere uu ku amray inay bixiyaan lacag dhan 100 oo Shillinka Soomaaliga.

 

 

 

Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee PL-ka oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in lacag sharci-darro ah lagu amray inay bixiyaan,hayeeshee taasi ay ka door bideen inay Shaqada joojiyeen.

 

Waxaa ay ka codsadeen Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya inay arrintaasi soo farageliyaan,isla markaana ay ka qabtaan dadka ka doonaya lacagta faraha  badan oo aysan ogeyn sababta ay u dhiibayaan.

 

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Dowladda Hoose ee Muqdisho oo aan la xiriirnay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino cabashada ka timid wadayaasha Gaadiidka dadweynaha PL-ka ee ka dhex-Shaqeeya qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment