849 Views

Madaxweyne Deni” Dad Xamar joogga ayaa Farriimo u soo diraya Odayaasha Boosaaso”

Madaxweyne Deni” Dad Xamar joogga ayaa Farriimo u soo diraya Odayaasha Boosaaso”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 18, 2020—Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in jiraan shaqsiyaad dhibaato ku haya gobolka Bari oo ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.

 

Waxaa uu sheegay in xubno ka mid ah Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka si looga soo horjeesto maamulka uu hoggaamiyo ee Puntland.

 

 

 

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay si joogto ah Farriimo ugu soo dirto qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Boosaaso si loo abuuro khalkhal Siyaasadeed oo ka dhan maamulka Puntland.

 

Dowladda dhexe ayuu sheegay in aysan heynin tabar Dhaqaalle, Mid Amni iyo horumarin Midna laakiin ay diyaar u tahay waxa dhisan in ay burburiso oo meesha ka saarto.

 

Waxaa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso adkeynta Ammaanka , iyo Midnimada Shacabka Boosaaso.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay xiisad ay ka dhex taagneyd Odayaasha dhaqanka Boosaaso iyo Madaxda maamulka Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment