1071 Views

Qatar oo cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco

Qatar oo  cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Dowladda Qatar ayaa si weyn u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco oo ku taalo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Bayaan Maanta kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Qatar ayaa ku celisay mowqifkeeda ah inay si weyn u diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada iyadoo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha.

Wasaaradda waxay sidoo kale uga tacsiyeysay  qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex Control Afgooye, waxaana ka dhashay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

about:blank Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay ku ganacsadaan  dad shacab ah, isla markaasna laga raaco gawaarida, lamana oga illaa hadda bartilmaameedka qaraxaas.

Sidoo kale  ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, inkastoo qaraxyada noocaan ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post