615 Views

Siyaasiyiinta waddanka Lubnaan oo ku heshiiyay dhismaha dowlad cusub

Siyaasiyiinta waddanka Lubnaan oo ku heshiiyay dhismaha dowlad cusub
____________________________________________________________________________


Sabti: September 11, 2021

Hoggaamiyeyaasha Lubnaan ayaa isku raacay xukuumad cusub oo uu hoggaaminayo maalqabeenka Sunniga ah Najiib Mikati Jimcihii, kadib muddo sannad ah oo ay ku murmayeen kuraasta golaha wasiirrada, taas oo uga sii dartay burbuka dhaqaale ee dalkaas.

Dhaqaalaha Lubnaan oo gaaray heer aad u hooseeya ayaa la filayaa in xukuumadda cusub ay wadahadalladii dib u kabashada dhaqaalaha mar kale la biloowdo ha’adda IMF.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in dhismaha xukuumadan ay ka dhalatay dadaallo badan oo uu sameeyay dalka Faransiiska, taas oo horseeday in hoggaamiyeyaasha khilaafku ragaadiyay ay ku heshiiyaan gole wasiirro oo samata bixiya dalkan.

Muuqaal laga sii daayay telefishinka, ayaa la arkayay Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Lubnaan, Mikati oo indhihiisa illin ay soo buux-dhaafisay, codkiisuna hoos u dhacay, markii uu ka sheekeynayay dhibka iyo tahriibka ay keentay mashaqada ka dhacay dalkiisa, taas oo ku qasabtay saddex meelood oo meel dadka reer Lubnaan inay sabool noqdaan.

Mikati iyo Madaxweyne Michel Aoun, oo ah Masiixi, ayaa saxiixay wareegtada lagu dhisayo dowladda, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Nabih Berri, oo ah afhayeenka baarlamaanka oo ah Muslim Shiici ah.

Ma jiro war rasmi ah oo markiiba ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska oo ku saabsan is-afgardka ka dhacay Beyruut.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay in Paris ay kaalin wax ku ool ah ka qaadatay isu soo dhaweynta siyaasiyiinta Lubnaan, inkasta oo wararku intaa ku darayaan in shaki uu weli ku gadaaman yahay in Mikati uu awoodi doono inuu sameeyo dib u habaynta lagama maarmaanka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post