1182 Views

Rag loo heysto weerar lagu diley Ardey & Macalimiin oo Maxkamad la soo taagay

Rag loo heysto weerar lagu diley Ardey & Macalimiin oo Maxkamad la soo taagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Maxkamadda Magaalada Gaarisa e Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa Maanta oo Talaado ah kasoo muuqdey Saddex Ruux oo lagu eedeeyey inay fududeeyeen weerar lagu diley Arday & Macalimiin.

 

Ragga Maxkamadda kasoo muuqdey ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xareed Duuboow Keynaan, Aadan Soomane iyo Aadan Guure,waxaana weerarka Macalimiinta lagu diley uu ka dhacay deegaannada Kamuudeey iyo Sareedo oo ka tirsan Dadaab iyo Faafi.

 

 

 

Saddexda Eedeysane ayaa waxaa ay dhamaantood iska fogeeyeen eeda loo heysto,iyaga oo dalbadey in damiin lagu siidaayo balse Maxkamadda Magaalada gaarisa ay diidey.

 

Si kastaba weerarka Magacalimiinta iyo Ardayda lagu diley ayaa dhacay 13-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan 2020,waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer weeraro ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment