1215 Views

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya oo Weerar afka ah ku qaaday taageerayaasha Rooble

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya oo Weerar afka ah ku qaaday taageerayaasha  Rooble
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Villa Somaliya ayaan u kala harin aflagaadada ku aadan raisal wasaaraha Somaliya, waxaana qoraal goor dhaw lagu shaciyay Boga Afhayeenka Villa Somaliya ka muuqday Caro iyo aflagaado loo jeedinayo Raisal wasaare Rooble iyo taageerayashiisa.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Xaashi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin ugu diray dad uu ku tilmaamay inay duulaan ku yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa uu dadkaas oo uusan sheegin kuwa ay yihiin ku tilmaamay inay faafinayaan been iyo dacaayad ka dhan ah dadka iyo dowladda Soomaaliya.

sidoo kale arintaan ayaa ku soo aadysa Xili  Muqdisho ka taagan  tahay xiisada ka dhalatay khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post