834 Views

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab oo caawa kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen deegaanka Sarkuus..

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab oo caawa kooxo ku hubeysan bastoolado ku dileen deegaanka Sarkuus..
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil caawa magaalada Muqdisho loogu geestay Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle).

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha  xalay lagu dilay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Sarkuuste oo ka tirsan Garasbaaley.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Dhamme) ayaa xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, ayaa xilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Waa Gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.

Sidoo kale Dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post