1107 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeraya Wasiirka Arrimaha Dibadda

Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeraya Wasiirka Arrimaha Dibadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 29, 2019 —Guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaaciyeen inay Baarlamaanka hortiisa ugu yeerayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad si ay Su’aallo u weeydiyaan.

 

Guddiga ayaa shalay wasiirka la kulmay, iyaga oo wax ka weeydiiyay Warbixintii Wargayska The New York Times ee dowladda Qatar loogu eedeeyay qarax ka dhacay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,hayeeshee ay sheegeen inaysan ku qancin jawaabaha uu su’aalaha ka bixiyay.

 

 

 

Xildhibaan Maxamed Xasan idir oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Wasiirka ay uga yeeraan Xarunta Golaha Shacabka si Baarlamaanka hortiisa Su’aalo ugu weeydiiyaan maadaama jawaabo ay ku qanci waayeen uu siiyay Wasiirka kadib kulankii ay la yeesheen.

 

Waxa uu sheegay in Wasiirka kulankii ay la yeesheen ay wax ka weeydiiyeen Heshiisyo aan Baarlamaanka la soo mariin oo uu saxiixay, Warbixintii Wargayska The New York Times  iyo 12 Ruux ay ehel yihiin oo  uu ka Shaqaaley siiyay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment