1491 Views

Jawaari Oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Inay La Shaqeeyan Hay’adaha Amniga DF

Jawaari Oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Baaqay Inay La Shaqeeyan Hay’adaha Amniga DF
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  24, 2019 –Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al shabaab ay ka geysteen meel u dhow dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku geeriyoodeen dad aan waxba galabsan oo uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

“Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale ee ku dhaawacantayna bogsiimo deg deg Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa uu Sidoo kale ku amaanay Ciidamada amaanka qaranka sida ay usoo gaba gabeeyeen tiro ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay gudaha u galaan dhismaha wasaaradda, howlwadeenada wasaaradda iyo dadkii kale ee gudaha dhismaha ku jiray kuwaas oo ciidamada amaanka ay toogteen inta aysan gaarin dhagartii ay damacsanaayeen.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, si looga hortago dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment