96 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post