654 Views

Ciidamada ammaanka oo xalay markale howl-gal ka sameeyey agagaarka madaxtooyada

Ciidamada ammaanka  oo  xalay markale howl-gal  ka sameeyey agagaarka  madaxtooyada
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya gaar ahaan kwa Koofiyo Gaduuda ee ka Howlgala Madaxtooyada ay  xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka.

Howlgalkan oo socday saacado ayaa lagu baarayay Guryaha dadka iyo gaadiidka isticmaala halkaas, waxa uuna ahaa baaritaankii labaad mudo usbuuc ah, Oo lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post