1092 Views

RW Khayre Oo oo maanta ku wajahan Guriceel

RW Khayre Oo oo maanta ku wajahan Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 29, 2019Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xsan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magaalada Caabudwaaq iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu safar ku tago Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Shalay gelinkii dambe waxaa gaaray wufuud horudhac u ah safarka ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo xubno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha,waxaana meelaha qaar lagu dhejiyay sawirka Ra’iisul Wasaaraha,waxana ammaanka siweyn u adkeynaya qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo Ciidamo ka tirsan dowladda oo Guriceel ku sugan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu tago degmada Guriceel waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Odayaasha degmadaas si uu wadatashiyo ula yeesho.

Kheyre ayaa horay booqasho ugu tagay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment