1170 Views

Ciidamada Itoobiya oo xirxiray boqollaal qof oo ku jiray xeryaha Tigray

Ciidamada  Itoobiya oo xirxiray boqollaal qof oo ku jiray xeryaha Tigray
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Boqollaal qof oo ka barakacay dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa la xirxiray kaddib markii ay meel isugu geeyeen ciidamo ka tirsan militariga isbuucan, sida ay sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Saraakisha taliska militariga Itoobiya ayaa beeniyay sheegashadan, waxayna ku tilmaameen war aan sal iyo raad toona lahayn oo la abuuray.

Xariga dadka ee lasoo tabiyay ayaa saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta ka dhacay magaalada ku taalla gobolka Tigray ee lagu magacaabo Shire.

Goob joogeyaasha ayaa BBC-da u sheegay in askartu ay galeen xeryaha qaxootiga ku meel gaarka ah ee iskuullada Tsehaye iyo Wonfito ayna xirxireen boqollaal qof oo u badan rag.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post